Habka ay u sheqeeyaan Degmooyinka Gobalka Banaadir

Cilmi-baarista ayaa ah (Habka ay u sheqeyaan degmooyinka Gobalka Banaadir) sida  degmada Hodan, Wadajir iyo Xamar-jajab waxaa hoos u dhac wayn ku yimid habka ay u shaqeyaan dagmooyinka Gobalka Banaadir wixii ka denbeeyey burburkii dowladdii dhaxe e dalka.                                  

Ujeeddada cilmi-baarista ayaa ah in la ogaado hab ka ay u shaqeeyaan dagmooyinka Gobalka Banaadir sida degmada Hodan, Wadajir, iyo Xamar-jajab waxaan isticmaalay hannaanka su’aalo weydiinta, baaxadda xog-uruurintayda waa 60 qofood, tusaale ahaan waxaa u soo qaatay maamulka degmada Hodan, maamulka degmada Wadajir, maamulka degmada xamar jajab, maamulka Gobalka Banaadir, qaar ka mid ah bulshada ku nool dagmooyinka, aqoonyahanno iyo dhallinyarada ku nool dagmooyinka.

Su’asha guud ee cilmi-baaristaan ayaa ahayd (maxay maamulka dagmooyinku ugu kooban  yihiin xarunta weyn ee degmada?) waxaana hoos yimid 10 su’alood markay ka soo jawaabeeyn dadka tusaale u ahaa cilmi-baarista waxaan ku qoray / diyaariyay programme excel.                                  

Waxaa ii  soo  baxday inay jiraan waxyaalo badan oo sababay inay dagmooyinka ugu shaqeyn la’  yihiin xafadaha degmada waxaana ka mid ah:

1: Waxaa soo ogaaday in aysan ka helin dagmooyinka Gobalka Banaadir dhaqaale ku filan maamulka Gobalka Banaadir

2: Waxaa soo ogaaday in aysan lahayn dagmooyinka Gobalka Banaadir sharciga qaadista canshuurta ee degmada, taasna waxay sababtay in ay degmada  qaadaan canshuur sharci la’aan ah oo laga qaado dhismaha guryaha ku yaalo dagmooyinka iyo tukaamada ku yaalla xafadaha dagmooyinka.

Waxaa cilmi-baaristaan ku cad inay jirto dhibaato ku aadan habka ay u sheqeeyaan dagmooyinka Gobalka Banaadir, marka la eego farqiga u dhaxeeyo dagmooyinka Gobalka Banaadir qaar ka mid ah iyo dagmooyinka maamul gobalaydka Soomaliland.

Ugudanbeyntii si looga gudbo habkaan ku shaqeynta xarumaha degmooyinka kaliya ee ushaqeeyaan dagmooyinka Gobalka Banaadir aan kor ku soo xusay iyo wixii sababay waxaa soo jeedinayaa qodobaan oo aan is leeyahay waxaa wax looga badali karaa habka ay u shaqeeyaan dagmooyinka Gobalka Banaadir anigoo ku salaynaayo fikirkayga iyo natiijadii ka soo baxday cilmi-barisa:

  • In shaqaalaha degmooyinka wax laga baddalo oo la qoro shaqaale cusub oo da’yar ah oo aqoon leh, si degmooyinka ay ugu shaqeeyaan hab wanaagsan
  • In degmada loo sameeyo golo odoyaaled oo ka xaajooda arrimaha horumarinta degmada iyo xallinta caqabadaha ku yimaado degmada.

In degmooyinka miisaaniyad ku filan uu siiyo maamulka Gobalka Banaadir si ay u qabsadaan howlahooda.

Leave a Reply