fbpx

Isku xirnaansha Taqasuskaaga iyo Shakhsiyadaada

Dadka inta badan erayga “Shakhsiyad” waxay ku tilmaamaan sida kala duwan ay qofkaas u yaqaanaan. Markii aad tilmaamaysid saxiib, arday aad isku fasal tihiin ama nafsadaaada waxaa laga yaabaa inaad isticmaashid shakhsiyada sida bashaash, islaweyn, go’an adag, xir xiran iwm.
 
Culumada cimli nafsiga waxay ogaadeen shakhsiyada inaay door muhiim ah ku lee dahay marka aad dooranaysid taqasus ama tacliin sare.
Dadka ku xeeldheer arimaha shakhsiyadaha waxay aaminsan yihiin goobaha shaqada iyo fasalada dadka isku shakhsiyada ah in inta badan wada sheekeestaan isna fahmaan taas oo horseeda inay abuurtaan jawi ku haboon shakhsiyadooda.
 
Shakhsiyadaada nooceeda waxay udub dhexaad u tahay doorashada taqasuskaaga, maxaa yeelay waxay saameyn ku lee dahay qanacsanaan shaqo ee mustaqbalka, wax qabadkaaga shaqo iyo suurtagalnimada  ku sii shaqeynta taqasuskaaga.
 
Noocyada Shakhsiyadaha Shaqo
Waxaa jira shakhsiyado shaqo gaaraya ilaa iyo lix nooc, kuwaas oo kala qeexa taqasusyada kala duwan iyo noocyada dadka ku haboon, shakhsiyadaha shaqo ee lixda ah waxay kala yihiin:
 
Farsamo
Aqoon
Hal abuur
Caawin
Ganacsi
Abaabul
 
Maqaalada soo socda waxaan kaga hadli doonaa shakhsiyad walba iyo taqasusyada ku haboon

Hadii aad qabtid su’aal ama uu jirto wax fikir ah fadlan halkaan nagu soo gudbi.

×
×

Cart

Indian Ocean University - IOU