fbpx

Dhibyaraan iyo Firaaqo

Waxay u muuqataa dhibyari iyo firaaqo in ay noqonayaan erayo aad loo isticmaalo waqtigaan hada la joogo. Maalin walba waxaan aragnaa badeeco cusub oo lagu xayaysiinayo in nolosha dhibyaraan ka dhigayso ama dadwaynaha oo ka hadlayo rabitaankooda ku-haboon firaaqada shaqo, qoyska iyo nolol maalmeedkooda. Shaki kuma jiro xowliga ay ku socdo casriyeenta nolasha waxaan ku qasban nahay inaan helno xal ku saleesan dhibyaraan iyo ku-haboonan firaaqadeena dhinacyada kala duwan ee nolol maalmeedka, hadaba waxbarashadana baahideeda dhibyaraan iyo ku-haboonaanta firaaqadeena waa la mid ah taas.
 
Firaaqo u ah hadaan ka hadalno, kadib gudashada mas’uliyadaada shaqo iyo qoys u helida waqti waxbarashada waxay u bahan tahay dadaal dheeri ah.
Waxbarasho online-ah waxay siinaysaa ardayga ku-haboonaan firaaqadiisa inuu wax ku barto jadwal ku haboon nolol maalmeedkiisa. Waxbarashada online-ah waxay qiimo wayn u leedahay ardayda shaqeeya oo aan waqtiga u saamaxayn inuu fasal dhex fadhiisto oo cashar qaato.
Waxbarasho online-ah waxay fursad u siinaysaa ardayga inuu wax barto xili kasta uu firaaqa helo, hadii ay noqon laheed salaada subax kadib ama cishaha ka dib. Waxaa meesha ka baxaayo wal-walkii ardayga inay xisado dhafaan sababo la xiriiro shaqo ama arimo qoys.
 
Dhibyaraan waxbarashada online-ah hadii aan fiirino, ma fududa mararka qaar inaad fasalka tagtid, hadii ay caqabadu ahaan laheed inaad dhowr bus aad qaadatid si aad u gaarto fasalka ama jidadka oo xiran cabsi jirta awgeed ama aad safarto sanadkii dhowr jeer. 

×
×

Cart

Indian Ocean University - IOU