fbpx

Isticmaalida Haboonan ee Tacliinta Sare

Dhinaca Tacliinta sare erayga haboonaanta (relevance in education) caadiyan waxaa loola jeedaa waxbarasho wax ku ool ah oo si toos ah u khusaysa waxa uu ardayga ku haminaayo, daneenayo ama fikir ka heesto (mudnaasho u leh ardayda). Waxaa kaloo lugu fasiri karaa haboonaanta Tacliinta sare waxbarasho xiriir toos ah la leh dhibaatooyinka nolosha ama caqabado heesta bulshada (mudnaan u leh nolosha).
Aqoonyahanada taageersan Tacliinta sare ee haboon waxay ku doodaan mudnaasho u lahaanshaha ardayda (personal relevance) marka lagu saleeyo waxbarshada waxay kor u qaadaa dhiirigalinta ardayga inuu wax barto iyo  xiisaynta ardayga waxa la barayo, xitaa waxaa suurta gal ah inuu ardayga xasuusnaado aqoontaas waqti dheer.
Tacliinta sare ee ku saleesan mudnaanshaha nolosha (life relevance) waxaa guud ahaan loogu talagalay in lagu qalabeeyo ardayga xirfad la hubiyay, aqoon iyo fahan tayo leh oo ay u isticmaali karaan sii wadashada waxbarashadooda ama shaqada ay qabandoonaan.
Waxay inta badan dood ka taagan tahay ilaa iyo intee Tacliinta sare ka isticmaali kartaa qaabkaan iyo sida ugu fudud ee loo gaari karo.
Waxaa is waydiin mudan:

  1. Tacliinta sare ee Soomaalida ma leedahay Haboonaansho?
  2. Baahi Tacliin sare oo haboon ma jirtaa?
  3. Yaa ku fiican inuu u doodo Tacliin sare oo haboon?
×
×

Cart

Indian Ocean University - IOU