You are currently viewing Deeq Waxbarasho

Deeq Waxbarasho

Deeq Waxbarasho

Deeq waxbarasho waa siismo gargaar dhaqaale ardayga si uu u dhameesto tacliinta sare. Deeq waxbarasho waxaa lagu saleeyaa sharuudo kala duwan, ku waa soo ka tarjuma rabitaanka iyo ujeedada deeq waxbarasho bixiyaha. Deeq waxbarasho dalkeena ardayga wuxuu inta badan ka helaa Jaamacadda, halka adunida inteeda kale gargaarka dhaqaale ee ardayga ka timaado dowlada, shirkadaha, maalqabeenada iyo hay’adaha kheyriga ah.
 
Noocyada Deeq waxbarasho
 
Deeq waxabasho ku saleesan Mudnaan: Ardayga ku guulaysanaayo deeqdaan waa inuu muujiyaa haybad aqooneed ama xirfadeed.
Deeq waxbarasho ku saleesan Baahi: Deeqdaan waxaa la siiyaa ardayga muujiya rabitaanka tacliin sare lakiin wajahaaya caqabado dhanka dhaqaalaha ama uu yahay qofkii ugu horeeyay qoyskiisa oo tacliin sare ku hamiyo.
Deeq waxbarasho Arday gaar ah: Deeqda noocaan ah waxaa ugu horeen sharuud looga dhigaa ardayga inuu ka soo jeedo jinsi, qabiil, urur diinmeed iwm.
Deeq waxbarasho Taqasus gaar ah: Noocani waa deeq waxbarasho Jaamacaddu siiso arday qorsheenaya inuu ku taqasuso waxbasho gaar ah. Waxaa inta badan deeqdaan la siiyaa ardayga rabo inuu ku taqasuso macalinnimo ama kalkaaliye caafimaad.
 
Hadii su’aashadu tahay sidee baan ku heli karaa deeq waxbarasho?
Waxaad ku ogaan kartaa deeqaha waxbarasho ee banaan siyaabo dhowr ah , oo ay ku jiraan inaad la xiriirto xafiiska kaalmada maaliyaddeed ee Jaamacadda aad qorsheyneysid inaad tagto iyo hubinta macluumaadka online. Fadlan taxaddar ku wajah macluumaadka deeqda waxbarasho, xasuusnow uma baahnid inaad lacag bixisid si aad u heshid deeq waxbarasho.

Leave a Reply

deeq-waxbarasho