fbpx

Ku taqasuska Dhaqaalaha waa maxay?

Taqasuska Dhaqaalaha waxaa diirada lagu saaraa nidaamka Wax soo saarka, Kaydinta iyo Qoondaynta marka lagu jiro xaalad wax yaraan, waxaa ka loo soo raaca barashada qaabka hay’adaha u howlgalaan.

Waxyaabaha taqasuskaan lagu barto waxaa ku jira nidaam loogu talagalay sharaxaada aragtiyada Dhaqaale, sidoo kale waxaa qayb ka ah taqasuska dhaqaalaha lafagurida saameynta ay suuqa ku lee yihiin macaamiisha iyo shirkadaha, ujeedku waa in la fahmo geedi socodka go’aan qaadashada  shirkadaha iyo qoysaska.

Waxaa ka loo lagu bartaa noocyada ifafaalayaasha dhaqaale sida, sicir bararka, heerka qiimaha, cabirida koritaanka dhaqaale dalka, dakhliga dalka, wax soo saarka gudaha iyo isbeddelada shaqo la’aanta.

Arday noocee barta taqasuska Dhaqaalaha?
Ardayga waa in uu jecel yahay soo jeedinta warbixin hadal ama qoraal, gaar ahaan bixin waraysi iyo soo bandhigida warbixin. Aradayga ku taqasusayo Dhaqaalaha waa in uu ahaadaa qof abaabulan, feejigan, dulqaad leh, daba taagnaansho leh iyo jecel xisaabta gaar ahaan mida tirikoobka.

Hoos waxaa ku xusan noocyada jagooyinka uu qaban karo ardayga dhameeya taqasuska Dhaqaalaha:
Dhaqaaleyahan
Ganacsiga Caalamiga ah
Hay’adaha maal-gelinta
Saadaasha Suuqa ee Bangiyada
Dhaqaaleyahan Canshuurta
 
Hadii aad qabtid su’aal ama uu jirto wax fikir ah fadlan halkaan nagu soo gudbi.

×
×

Cart

Indian Ocean University - IOU