Faculty of Computing

  • Computer Science

    Taqasuskaan Cilmiga Kumbuyuutarka wuxuu aradayga barayaaa, naqshadeynta, horumarinta iyo hirgelinta barnaamijyada software-ka iyo xal u helida software-ka ee ganacsigayada, ciyaaraha madaadalada iyo suuqyada alaabta macaamiisha.

  • Information Technology (IT)

    Taqasuskaan waxaa loogu talagalay in ardaygu uu siiyo aasaas adag oo ah Cilmiga Kombuyuutarka (IT) si kor loogu qaado aqoonta ardayga mudada afarta sano ah. Waxaad ku barandoontaa taqasuskaan Cilmiga Kombuyuutarka (IT): isgaarsiinta kombuyuutarada, luqadaha kombuyuutarka, naqshad u dejinta xogta iyo dhisida bogga internetka.

  • Computer Engineering

    Barnaamijka kombiyuutar injineerinka ee shahaadada koowaad ee jaamacadda waxa loo dhisay si aad u horumariso aqoontaada shaqo oo ku saabsan naqshadeynta injineernimada oo ku saleysan aragtiyo kala duwan, mabaadii'da iyo farsamooyinka computerka. Injineerka Kumbuyuutarka waxaad ku baranaysaa xirfado ku saabsan C / C ++ iyo Java marka loo eego jawiga horumarinta casriga ah ee isku dhafan. Waxaad khibrad ka heleysaa luqadaha computerka iyo abuurida, isku dabaridida, dib u hubinta iyo xaqiijinta naqshadaha qalabka Computerka. Ugu dambeyntiina, xirfadaha aad baratid ayaa lagu muujinayaa mashruuc qaabeed oo aad u dhammaystiran iyo dhagax-dhigga mustaqbalka ardayga.

Medicine & Health Science

  • Midwifery

    Bachelor -ka Midwifery ama Umuliso waxaa loogu talagalay ardayada doonaysa inay noqoto umuliso la aqoonsan yahay, kana shaqeeysa goobaha dhalmada dhalaanka sida isbitaallada, MCH-yada, xarumaha caafimaadka hooyada iyo dhallaanka. Ardayada baraneesa bachelor-ka Midwifery ama Umuliso waxay tagidoontaa isbitaalada inta ay waxbarashada u socoto iyo MCH-yada, ardayada waxa kale oo lagu tobabaridoonaa siidii ay ugu warhayn laheed hooyada uurka leh tobanka isbuuc ee ugu dambeesa waqtiga uurka ayadoo qayb ka noqon doonta foosha, dhalmada iyo daryeelka ilmaha dhashay.

  • Medical Laboratory

    Daryeelka caafimaad ee casriga ahi si dhakhso leh ayuu u kobcayaa, waxaana la socda isbeddelo ku saabsan shaqada ee qabtaan shaqaalaha sheybaarka caafimaadka. Cisbitaalada iyo hayadaha caafimaadka waxay u baahan yihiin shaqaale xirfad leh si ay u buuxiyaan jagooyinka kormeerka, una isticmaalaan mabaadi’da hubinta tayada ee casriga ah si loo xakameeyo kharashaadka, loo ilaaliyo u hoggaansanaanta sharciga, loona kordhiyo waxqabadka guud ee shaybaarka iyo sidoo kale jadwalka joogtada ah ee baarida cudurada.

  • Nursing

    Kalkaalisada iyo Kalkaaliyaha waxay leeyihiin fursado shaqo oo balaaran – min heer ka bilowga xirfadle ilaa cilmi baadhe heer sare ah. Kalkaaliyaasha caafimaadku waa xirfad-yaqaanno caafimaad waxay bixiyaan daryeel guud iyo daryeel gaar ah. Kalkaaliyaasha waa xirfad baahi badan loo qabo, weliba wadan sida Soomaaliya oo kale ah. Shaqaalaysiinta kalkaaliyeyaasha diiwaangashan ayaa la saadaalinayaa inay kordhaan 40% laga bilaabo 2020 illaa 2030, taasoo aad uga dhakhsa badan celceliska dhammaan shaqooyinka kale, sida laga soo xigtay Xafiiska Tirakoobka Shaqaalaha Aduunka.

Management

  • Accounting

    Taqasuska Xisaabaadka wuxuu ardayga baraa xirfadaha iyo dhaqamada xisaabinta, si ay ugu fududaato qabashada howlaha la xiriira xisaabiyenimada. Xisaabiyenimo waxay fursad kuu siinaysaa ka shaqaynta ganacsiyo kala duwan, waxaa sooraaca ka shaqaynta hay’ado dowli ah iyo kuwaan aheen dowli.

  • Banking & Finance

    Taqasuskaan waxaa loogu tala-galay arday xiiseenaya shaqooyinka bangiyada, rabana inuu kor u qaado xirfadiisa, kuna haminaanyo inuu noqdo qof ka shaqeeya bangiyada. Taqasuskaan Banking & Finance waxaa loo qaabeeyay qaab uu ardayga ku baraanaayo shaqo maalmeedka bangiyada, maamulka maaliyada iyo go’aan ka gaarida bixinta daynta iyo ku shaqeenta jawi maamul maaliyadeed.

  • Business Management

    Taqasuska Maamulka iyo Maareynta wuxuu ardayga u diyaariyaa qorsheenta, abaabulka, toosinta iyo xakameenta howlaha shirkadaha. Maadooyinka lagu qaato taqasuska maamulka iyo maareynta waxaa ka mid ah: • Ganacsi • Maamul • Dhaqaale • Maaliyad • Xisaabaad • Suuqgayn

  • Procurement & Logistics

    Waxaa jira dhibaatooyin badan oo soo wajaha ganacsiyada ku xiran adduunka ee xagga maaraynta soo iibinta, iyo hababka daabulida badeecadaas. Taqasuskaan wuxuu diirada saarayaa ardayga raba inuu barto xirfada soo iibsiga iyo dajinta qorsho ku saabsan daabulida alaabada.

Public Affairs

  • International Relations (IR)

    Taqasuskaan Xiriirka Caalamiga waxaa soo galaaya barashada bulshooyinka adduunka iyo sida ay isku-dhexgalaan bulsho ahaan. Ardayga taqasuskaan baranaayo wuxuu qabiir ku noqonayaa siyaasada arrimaha dibada iyo diblomaasinimada. Taqasuskaan Xiriirka Caalamiga ah maadooyinka lagu barto waxaa ka mid ah: Tariikh, Siyaasad, Dhaqaale, Luqadaha Adduunka iyo Juquraafi.

  • Political Science

    Cilmi Siyaasada waa taqasus diirada lagu saaro fahamka nidaamka siyaasadeed iyo hay’adaha siyaasadeed iyo hab dhaqmeedkooda. Waxaa taqasuskaan lagu baran doonaa noocyada falsafadda siyaasadeed iyo aragtiyada siyaasadeed, waxaa kaloo lagu barandoona xiriirka ka dhaxeeya dowlad, siyaasad, xisbi, daneestiyaal iyo aragti dadwayne.

  • Public Administration

    Taqasuska Public Administration wuxuu ardayga u diyaariyaa inuu ka mid noqdo hoggaanka fulinta ee dowlada hoose, dowlad goboleedka ama dowlada dhexe. Waxyaabaha kaloo lagu barato taqasuskaan waxaa ka mid ah doorka uu ku leeyahay Hoggaanka guud (PA) bulshada, mabaadii’da hagta iyo sidii loo hormarin lahaa Hoggaanka guud,

Social Sciences

  • Economics

    Taqasuska Dhaqaalaha waxaa diirada lagu saaraa nidaamka Wax soo saarka, Kaydinta iyo Qoondaynta marka lagu jiro xaalad wax yaraan. Waxyaabaha taqasuskaan lagu barto waxaa ku jira nidaam loogu talagalay sharaxaada aragtiyada Dhaqaale.

  • Development Studies

    Development Studies is a multidisciplinary field that examines social, economic, and political change. This program will give you a broad understanding of societal problems through analyzing the economic, political, cultural, and geographic factors that impact development issues. During the course of your studies, you’ll gain cultural understanding, practical experiences, analytic skills, and research capabilities.

  • Social Work

    Shaqada bulshada waxay dadka ka caawisa sidii ay ula tacaali lahaayeen dhibaatooyinkooda iyaga oo baraysa xirfado iyo habab waxtar leh oo looga gudbo dhibaatooyinkooda. Waxaad noqonaysaa xiriir ka dhexeeya shaqsiga iyo hay’adaha iyo in aad u doodid shakhsiyaadka aad caawineysid. Shaqaalaha bulshadu maahan oo keliya la-taliyayaasha shakhsiyaadka laakiin waxay badanaa la shaqeeyaan qoysaska, carruurta, iyo kooxaha u baahan caawinaada.