fbpx

Sida loo qoro Ujeeddooyinka Cilmi-Baaris

Ujeeddooyinka cilmi-baaris waa himilooyinka aad u dajisay daraasadda, aana rabto inaad gaarto intaad ku gudo jirto daraasadda.  Ujeedada cilmi-baarista waxay wargilsaa akhristaha waxa aad rabid inaad baarto iyo intaad qorsheenaysid inaad mowduuca u gudo gasho.  Ujeedada cimi-baarista waxay u sheegtaa akhristaha baaxadda iyo heerka daraasadda.  Qodobka ugu muhiimsan in la tixgeliyo markii la sameenayo ujeedada cilmi-baarista waa bayaan ahaansho.

Calaamadaha looga bahan yahay ujeeddooyinka cilmi-baarista:
 
Waadixin 
bayaan ahaansho  waa waxa ugu weyn ee xoogga lagu saaro ujeedooyinka cilmi-baarista.  Sida aad u qorto ujeedada cilmi-baarista waxay wax badan ka sheegtaa daraasaddaada.
Dhammaystiran 
jumlo kasto oo gaaban kuna jirta ujeedada cilmi-baarista waa inuu akhristaha dareemaa inay tahay weedh dhammeystiran.
Si cad loo qeexay
Ujeedada cilmi-baarista waa inay si toos ah u qeexdaa waxa, sida, goorta iyo meesha daraasadda laga sameenayo.
Tusmayn waxyaalaha ugu muhiimsan ee daraasadda

Noocyada ujeeddooyinka cilmi-baarista
Waxaa jira laba nooc oo ujeedada cilmi-baarista oo ay daraasadkasta leedahay; ujeedada koowaad ugana weyn iyo ujeedada labaad ee cilmi-baarista.  Ujeedada ugu weyn ama ujeedada koowaad waxay kugu hagaysaa cilmi-baarista aad rabtid inaad fuliso.  Ujeedada labaad waa hadaf mar walba daba socda ujeedada weyn ee cilmi-baarista.

×
×

Cart

Indian Ocean University - IOU